Muqdisho — Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Saldhigga Garasbaaley ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysane lagu magacaabo Abshir Sheekh Cabdisalaan Maxamed.
Ninkan ayaa lagu eedeeyay dil ka dhacay gudaha guri ku yaalla magaalada, halkaas oo uu ku dilay xaaskiisa isagoo adeegsanaya toorey.
Eedeysanaha ayaa haatan ku jira gacanta ciidamada booliska, waxaana loo gudbin doonaa maxkamadda awoodda u leh si sharciga loogu waafajiyo una maro tallaabooyinka ku habboon ee ciqaabta.
Ciidamada ammaanka ayaa ku baaqay in shacabku ka feejignaadaan falalka noocan oo kale ah, islamarkaana ay la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka si loo sugo nabadgelyada.




