Cambaareyn Adag oo Loo Jeediyay Xarigga Samsam Cumar Cali iyo Tacaddiyada Ka Socda Muqdisho

0

Muqdisho – Waxaa si weyn loo cambaareeyay xarig iyo tacaddiyo isa soo taraya oo ka dhacaya magaalada Muqdisho, gaar ahaan dhacdadii ugu dambeysay ee caawa lagu afduubtay Samsam Cumar Cali, oo kamid ah haweenka ka ganacsada suuqa Siinaay.

 

Samsam ayaa lagu waramay in gurigeeda si sharci-darro ah looga soo baxay, iyadoo aan wax maxkamad ah lagu soo oogin ama eed loo jeedin.

Falkaan xadgudubka ah ayaa muujinaya sida ay madaxda dowladda Federaalka ah uga leexdeen xeerarka iyo nidaamka dowladnimo, taas oo khatar ku ah kalsoonida shacabka iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta.

Dhacdadan ayaa ku soo beegantay iyadoo ay ciidamada booliska wadaan barakicin xoog ah oo ka dhacaysa xaafadda Tarabuunka ee degmada Hodan.

Qoysas badan oo halkaas ku noolaa ayaa wajahaya xarig, jirdil iyo cabsi joogto ah, iyadoo aan la haynin wax magdhow ah ama xalal waara oo loo raadinayo dadkan danyarta ah.

Waxaan ugu baaqayaa madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya in ay si degdeg ah u joojiyaan falalkan ka dhan ah shacabka Muqdisho, gaar ahaan dadka danyarta ah ee lagu hayo barakicinta hubeysan iyo handadaadda joogtada ah.

Ficillada noocan oo kale ah waxay dhaawacayaan xasilloonida caasimadda waxayna carqaladeynayaan nidaamka dowladnimo ee dalku ku socdo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here