Sanaag — Taliyeyaasha ciidanka iyo maamulka gobolka Sanaag ayaa si adag uga hadlay dilka Caaqil Cumar Cabdullaahi, iyagoo dowladda Mareykanka ku eedeeyay in ay “xaq darro iyo si sharci darro ah” ku dishay.
Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in Caaqil Cumar Cabdullaahi uu ahaa odey nabadoon caan ah oo door muhiim ah ku lahaa xalinta khilaafaadka bulshada iyo ilaalinta nabadda gobolka.
Waxay intaa ku dareen in duqaynta lagu dilay aysan laheyn wax xiriir ah oo la xaqiijiyay oo uu ku lug lahaa kooxo argagixiso ama hubeysan.
Taliyaha Ciidanka Gobolka Sanaag ayaa yiri: “Falkaas wuxuu dhaawac weyn u geystay kalsoonida shacabka ee dowladda Mareykanka,” isagoo ku baaqay in la sameeyo baaritaan madax-bannaan oo lagu caddeeyo sida uu dilku u dhacay.
Dhanka kale, Guddoomiyaha Gobolka Sanaag ayaa sheegay in “dadka deegaanka ay aad uga xumaadeen weerarkaasi,” isagoo ku tilmaamay in weerarku yahay “xadgudub cad oo lagu qaaday muwaadin Soomaaliyeed oo aan wax dambi ah lahayn.”
Maamulka gobolka ayaa ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha caalamiga ah inay arrinta si dhab ah u eegaan, lana hubiyo inaysan mar kale dhicin duqaymo aan kala sooc lahayn oo lagu dilo dad shacab ah.




