Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya oo Kormeer Ku Tegay Wasaaradda Warfaafinta

0

Muqdisho — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay xarunta Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, isagoo booqday qeybaha kala duwan ee wasaaradda.

Mudane Saalax ayaa halkaasi si diirran loogu soo dhaweeyay, waxaana warbixin ku saabsan shaqada wasaaradda siiyay Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa si dhow ugu kuurgalay shaqada maalinlaha ah ee ka socota waaxyaha warbaahinta iyo maamulka guud ee wasaaradda.

Kormeerka kadib, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa tilmaamay doorka muhiimka ah ee Wasaaradda Warfaafinta ay ku leedahay isku xirka dowladda iyo shacabka, isagoo sheegay in wasaaraddu ay tahay laf-dhabarta wacyigelinta, faafinta wararka rasmiga ah, iyo dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.

“Wasaaradda Warfaafintu waa xudunta xiriirka u dhexeeya shacabka iyo dowladda. Waxaan bogaadinayaa dadaalka ay wadaan madaxda iyo shaqaalaha wasaaraddu, gaar ahaan Warbaahinta Qaranka, oo door muuqda ka qaadanaya wacyigelinta shacabka iyo la dagaalanka fikirka xagjirka ah,” ayuu yiri Mudane Saalax Axmed Jaamac.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa ugu dambeyn dhiirrigeliyay shaqaalaha wasaaradda, isagoo ballanqaaday in xukuumaddu ay sii wadi doonto taageerada ay siiso hay’adaha warfaafinta ee qaranka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here