Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Yurub ee Geeska Afrika

0

Aswan, Masar — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, oo ku sugan dalka Masar safar shaqo awgiis, ayaa magaalada Aswan kulan kula qaatay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika, Dr. Annette Weber.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah, taageerada amniga, iyo dib-u-eegista horumarka laga sameeyay dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, iyo amniga.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa intii uu kulanku socday faahfaahin ka bixiyay guulaha ay Xukuumadda DanQaran ka gaartay mudadii saddexda sano ahayd ee lasoo dhaafay.

Wuxuu si gaar ah u xusay horumarka laga sameeyay sugidda amniga caasimadda, la-dagaallanka Al-Shabaab, dib-u-dhiska ciidamada Qaranka, kobcinta dhaqaalaha, hirgelinta siyaasado waxtar leh iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu xusay muhiimadda ay leedahay taageerada caalamiga ah xilligan kala-guurka ee howlgalka AUSSOM, isagoo ugu baaqay Midowga Yurub inay sii xoojiyaan garab istaagga Soomaaliya.

Dhankeeda, Dr. Annette Weber ayaa bogaadisay dadaallada iyo horumarka ay ku tallaabsatay dowladda Soomaaliya, iyadoo sheegtay in Midowga Yurub uu ka go’an yahay sii wadidda taageerada dhinacyada nabadgelyada, dowlad-dhiska, iyo horumarinta dhaqaalaha.

No photo description available.No photo description available.May be an image of studying and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here