Kismaayo, 21 Oktoobar 2025 – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray Xarunta Dhexe ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Jubaland (JISA), taas oo si casri ah loo dhisay iyadoo lagu maalgeliyay canshuurta shacabka Jubaland.
Xaruntan cusub ayaa ka mid ah mashaariicda horumarineed ee Jubaland ka hirgelinayso gudaha maamulka, waxayna ka tarjumaysaa dadaalka dowladda ee ku aaddan xoojinta amniga, dhismaha hay’adaha dowladda, iyo kobcinta awoodda dowladnimo ee joogtada ah.
Madaxweyne Axmed Madoobe oo khudbad ka jeediyay munaasabadda furitaanka xarunta ayaa si weyn u ammaanay hoggaanka iyo shaqaalaha Hay’adda JISA, isagoo ku bogaadiyay sida ay uga soo dhalaaleen waajibaadkooda shaqo si hufan, daacadnimo iyo waddaniyad leh. Wuxuu sheegay in dadaalka ay muujiyeen uu yahay mid lagu faani karo, isla markaana dhiirrigelinaya hay’adaha kale ee dowliga ah.
Madaxweynuhu wuxuu xusay in ciidanka Jubaland ay leeyihiin dhaqan iyo nidaam u gaar ah oo ka duwan ciidamada kale ee dalka, isagoo tilmaamay in ay yihiin ciidan si heer sare ah u tababaran, lehna anshax, wadaniyad iyo go’aan adag oo ku aaddan difaaca shacabka iyo ilaalinta dowladnimada Jubaland.
Sidoo kale, Madaxweyne Axmed Madoobe wuxuu sheegay in Jubaland ay sii wadi doonto tayeynta, qalabeynta, iyo horumarinta ciidamada si ay u gutaan waajibaadkooda qaran, gaar ahaan ilaalinta amniga, la dagaallanka argagixisada, iyo xaqiijinta xasilloonida guud ee deegaannada Jubaland.




