Baydhabo, Soomaaliya – Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa Talaadadii laga hor istaagay safar ay ku tegi lahaayeen magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Arrintan ayaa kusoo beegmeysa iyadoo uu weli taagan yahay khilaaf siyaasadeed oo u dhaxeeya siyaasiyiinta ka soo jeeda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo Madaxweynaha maamulkaasi, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).
Wafdiga uu Mursal hoggaaminayay waxaa ka mid ahaa xildhibaano dhowr ah oo ka soo jeeda gobolka, oo ay kamid yihiin: Xildhibaan Maxamed Abuukar Cabdi, Xildhibaan Maxamed Cabdi Maxamed, Xildhibaan Mukhtaar Maxamed Guuleed, Xildhibaan Maxamed Keerow Maxamed, iyo Xildhibaan Hawo Sokor Cali.
Xildhibaan Maxamed Cabdi Frank, oo ka mid ah wafdiga, ayaa sheegay in madaxweyne Laftagareen uu shirkadaha duulimaadyada ee ka shaqeeya Baydhabo amray in aanay qaadi karin xubnaha wafdiga.
“Diyaaraddii aan raaci lahayn waxay na tiri, ‘dadkaas ma qaadi kartaan.’ Waxaa la siiyay amar ah in aan naloo ogolaan duulimaadka, sidaas ayayna safarkeennii noogu baaqday,” ayuu yiri Xildhibaan Frank oo la hadlay warfidiyeenka.
Xildhibaanadu waxay sheegeen inay saacadaha soo socda ku qaban doonaan shir jaraa’id magaalada Muqdisho, kaas oo ay kaga hadlayaan sababaha loo hor istaagay safarkooda iyo aragtidooda ku aaddan xaaladda siyaasadeed ee Koonfur Galbeed.
Doorashada madaxtinimada maamulka Koonfur Galbeed ayaa la filayaa inay qabsoonto bilooyinka soo socda, inkastoo aan weli si rasmi ah loo shaacin taariikhda. Mucaaradka ayaa dhaliilay madaxda maamulkaasi, iyagoo ku eedeeyay dib-u-dhigidda doorashada iyo carqaladeynta ka qaybgalka siyaasadeed.




