Nicolas Sarkozy oo noqday Madaxweynihii ugu horeeyay France oo xabsi gala

0

PARIS – Nicolas Sarkozy, madaxweynihii hore ee Faransiiska (2007-2012), ayaa maanta noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee Faransiis ah oo xabsi gala, kadib markii lagu xukumay shan sano oo xadhig ah, isagoo lagu eedeeyay inuu ololihiisa doorashada ku maalgeliyay lacag ka timid kaligii-taliyihii hore ee Liibiya, Mucamar Al-Qadaafi.

 

Sarkozy ayaa lagu xiray xabsiga La Santé ee koonfurta Paris, oo isaga lugihiisa ku tagey, halkaas oo lagu wadaa inuu ku xirnaado qol cabirkiisu yahay qiyaastii 9 mitir oo laba jibbaaran.

In ka badan 100 qof ayaa u sacab tumay markii uu ka soo baxay gurigiisa oo ku yaalla xaafadda 16aad ee magaalada Paris, isagoo gacanta haya xaaskiisa Carla Bruni-Sarkozy. Wiilkiisa Louis, oo 28 jir ah, una tartamaya hada duq magaalo ayaa taageerayaasha ku baaqay inay sii wadaan garab istaagga madaxweynihii hore.

Xukunka ayaa calaamad u ah dhacdo taariikhi ah oo aan horay u dhicin dalka Faransiiska, iyadoo Sarkozy uu wajahayo ciqaabta xadhigga kadib baaritaan dheer oo lagu ogaadey eedeymaha musuqmaasuqa iyo maalgelinta sharci darrada ah ee ololihiisa doorashada.

Nicolas Sarkozy oo 70 jir ah waxaa sidoo kale loo oggolaan doonaa booqasho saddex jeer todobaadkii. Looma ogolaan doono taleefonkiisa gacanta inuu xabsiga ku dhex isticmaalo, waxuu qoyskiisa iyo qareenkiisa kula xiriiri doonaa taleefonka xabsiga leeyahay oo la dhageysanaya.

Sarkozy wuxuu ka bixi karaa qolka uu ku xiranyahay hal saac maalintii, si uu uga socdo beerta gudaha ee xabsiga, taasoo daboolan mesh bir ah oo ilaalinaysa in hawada kore ay furan tahay. Saddex askari oo xabsi ayaa la socon doona marka uu ka baxo qolka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here