Qaramada Midoobay oo sheegtay in Imaaraadka uu Soomaaliya Hub u marsiiyay RSF

0

NEW YORK – Qaramada Midoobay ayaa ku eedeysay Imaaraadka Carabta (UAE) inuu jebiyey cunaqabataynta hubka ee caalamiga ah, kadib markii baarayaal UN ah ay raaceen raadadka hub iyo qalab militari oo asal ahaan lagu sameeyay Ingiriiska, balse lagu arkay kooxo hubeysan oo ka dagaallamaya Suudaan, Soomaaliya iyo Liibiya.

 

Warbixin cusub oo loo gudbiyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in hubka iyo gaashaaman ee Nimr Ajban — laga helay goobihii ay hayeen xoogagga RSF ee Suudaan. Kooxdan ayaa lagu eedeeyay dambiyo dagaal iyo xasuuq ka dhanka ah shacabka intii uu socday dagaalka ay kula jiraan ciidamada qaranka Suudaan.

Sidoo kale, warbixintu waxay muujisay in gaadiidka dagaal ee Nimr Ajban oo ay soo saartay shirkad dowladeed oo Imaaraad ah, balse wata matoorro ay samaysay shirkadda Ingiriiska ee Cummins, lagu arkay gudaha Liibiya iyo Soomaaliya — labaduba horey ugu jireen xayiraado hubka oo ay soo rogtay Qaramada Midoobay.

Si kastaba, Soomaaliya hadda lagama mamnuucin iibsashada hubka, maadaama Golaha Ammaanka uu qaaday cunaqabatayntii Diseembar 2023 (Qaraarka 2714). Si gaar ah, xayiraad ayaa weli saaran kooxda Al-Shabaab iyadoo lagu saleeyay Qaraarka 2713.

Khabiirrada Qaramada Midoobay ayaa uga digay in leexinta qalabkan militari ay khatar weyn ku tahay xasilloonida gobolka, ayna sii hurin karto colaadaha weli ka taagan dalalka lagu hayo cunaqabataynta hubka.

Sawirro iyo dukumentiyo loo gudbiyay Golaha Ammaanka ayaa muujiyay in baabuurta Nimr Ajban ee uu leeyahay Edge Group oo ah shirkad dowladeed oo Imaaraad ah, lagana helay magaalada Khartuum iyo Omdurmaan, ay wateen matoorro ay soo saartay shirkadda Ingiriiska Cummins. Warbixino hore ayaa sidoo kale ku xirtay gaadiidkaas isku midka ah kooxo maleeshiyaad ah oo ka howlgala Liibiya iyo Soomaaliya.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa si adag u diiday inay hub siisay RSF ama kooxo kale oo hubeysan, halka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Ingiriiska (FCDO) ay sheegtay inay leedahay “nidaamka ugu adag ee caalamka ee xakameynta dhoofinta hubka,” isla markaana ay si taxaddar leh u eegaan ruqsad kasta si looga fogaado khataraha leexinta hubka.

Dagaalka Suudaan oo galay sannadkii saddexaad ayaa dilay in ka badan 150,000 oo qof, halka in ka badan 12 milyan ay barakaceen, taas oo Suudaan ka dhigtay mid ka mid ah musiibooyinka bini’aadantinimo ee ugu xun adduunka.

Dowladda ka jirta Khartuum ayaa hore u eedeysay Imaaraadka inay hub ku siinayaan RSF, iyadoo la adeegsanayo marinno ay ku jiraan Soomaaliya iyo Chad. Bishii May 2025, Suudaan ayaa dacwad ka gudbisay Imaaraadka Maxkamadda Caddaaladda Adduunka (ICJ), balse kiiska ayaa la diiday sababo la xiriira awood-darro maxkamadeed.

Dhanka kale, bishii Agoosto 29, 2025, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beenisay warar sheegayay in booqashooyin isku xigxigay oo ay Muqdisho ku yimaadeen wafdiyo ka kala socday Imaaraadka iyo Suudaan ay xiriir la lahaayeen arrimaha hubka, taas oo muujisay sida arrintani uga kicisay dareen siyaasadeed oo cusub gobolka.

Baaritaanno hore iyo falanqayn lagu sameeyay sawirrada dayax-gacmeedka ayaa shaaciyay in Imaaraadku dhisay isla markaana ballaariyay saldhigyo militari iyo kuwo sirdoon oo ku yaalla xeebaha Soomaaliya, oo ay ku jiraan Berbera iyo Boosaaso, kuwaas oo aan oggolaansho rasmi ah ka haysan Dowladda Federaalka.

Khuburada Qaramada Midoobay ayaa sheegay in saldhigyadan ay u adeegaan sidii xarumo sahay iyo qorsheyn loogu talagalay hawlgallo ka socda gacanka Cadmeed iyo dalalka deriska ah.

Warbixinno hore ayaa sidoo kale iftiimiyay joogitaanka sii kordhaya ee Imaaraadka ee Puntland, halkaas oo sawirrada dayax-gacmeedka lagu arkay hangaro la xoojiyay, qalabka radar-ka, iyo bakhaarro rasaas oo laga dhisay agagaarka garoonka diyaaradaha Boosaaso.

Goobtaas ayaa la sheegay inay ku dhowdahay xarunta Ciidanka Ilaalada Badda Puntland (PMPF), unug horey loogu tababaray Imaaraadka, kaas oo Qaramada Midoobay hore ugu eedeysay inuu ku shaqeeyo si madax-bannaan oo aan hoos imaanin amarka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here