Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya xuska 25-aad ee dib u yagleeliddii Jamhuuriyadda 3-aad ee Soomaaliya

0

Jabuuti – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si heer sare ah loogu soo dhoweeyey dalka aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti, halkaas oo uu kaga qeybgalayo munaasabadda lagu xusayo sannad-guurada 25-aad ee dib u yagleeliddii Jamhuuriyadda 3-aad ee Soomaaliya.

Munaasabaddan ayaa lagu qabtay caasimadda Jabuuti, waxaana martigelinaya Madaxweynaha Dowladda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, oo sidoo kale ah hormuudkii Shirkii Nabadda Soomaaliyeed ee lagu qabtay magaalada Carta sanadkii 1999-kii — shirkii dhidibada u taagay dowladnimada cusub ee Soomaaliya kadib muddo toban sano ah oo dagaallo sokeeye ah.

Intii lagu guda jiray munaasabadda, Madaxweyne Geelle ayaa ku maamuusay madaxda Soomaaliyeed iyo qaybaha bulshada Soomaaliyeed ee ka soo qeybgalay xuska, isagoo si rasmi ah u daahfuray Xarunta cusub ee Dib-u-heshiisiinta Geeska Afrika, oo loo bixiyay Taallada Nabadda ee Carta. Xaruntan ayaa lagu tilmaamay astaan muujinaysa dadaalladii guuleystay ee Jabuuti ku bixisay nabadeynta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu munaasabadda ka jeediyo khudbad dhinacyo badan taabaneysa, taas oo uu ku iftiimin doono guulaha iyo isbeddellada togan ee Soomaaliya ay ka dhaxashay shirkii dib-u-heshiisiinta ee Carta, gaar ahaan dhinacyada dowladnimada, nabadda, iyo dib-u-soo kabashada hay’adaha qaranka.

Xuskan taariikhiga ah ayaa loo arkaa mid dib u xasuusinaya xiriirka qotada dheer ee walaaltinimo iyo iskaashi ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti, kuwaas oo muddo dheer iska kaashanayey arrimaha nabadda, amniga, iyo horumarka gobolka Geeska Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here