Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qaybgalay xuska 102-aad ee aas-aaska Jamhuuriyadda Turkiga, kaas oo lagu qabtay xarunta Safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho, isagoo xusay in maalintani ay tahay maalin farxad wadaag ah oo u dhexeysa labada dal.
“Maalintani waa maalin aan si wadajir ah ula faraxno walaalaheen Turkiga, waa maalin lagu xusayo geesinimadii iyo halgankii uu hormuudka u ahaa Mustafa Kemal Atatürk, kaas oo dhidibbada u taagay Jamhuuriyad casri ah oo dhiirrigelisay dunida oo dhan,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale tilmaamay in xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga uu yahay mid qoto dheer, taariikhi ah, oo walaaltinimo ku dhisan, isaga oo dib u xusuusiyay booqashadii taariikhiga ahayd ee Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan uu ku yimid Muqdisho bishii Agoosto 2011, xilli Soomaaliya ay la daalaa dhacaysay abaar iyo amni darro.
“Xuskan sannadguurada ah waxa uu fursad u noqon doonaa in aan sii xoojinno iskaashigeenna dhinacyada ganacsiga, amniga, dhaqanka, waxbarashada iyo xiriirka shacabka labada dal,” ayuu raaciyay Ra’iisul Wasaaruhu.
Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyey dowladda Jamhuuriyadda Turkiga taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, difaaca, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada.




