Muqdisho, Soomaaliya – Taliya Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka, Sareeye Guuto Sahal Cabdullahi Cumar, ayaa soo xiray shir ka socday Muqdisho oo ay iskugu yimaadeen dhamaan taliyaasha qeybaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka.
Shirka ayaa socday muddo toban maalmood ah waxaana loogu yeeray dhammaan taliyaasha qeybaha ciidanka.
Shirka, oo uu soo qaban-qaabiyay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa ujeeddadiisu ahayd aqoon-isweydaarsi, dhiirrigelin, iyo daadajinta qorshayaasha hortabinta leh ee sanadka soo socda, si loo xoojiyo howlaha shaqo ee Ciidanka Dhulka.
Intii uu socday, taliyaasha qeybaha ayaa iska xog-waraystay xaaladaha amni, tababarada ciidamada, iyo qorshayaasha lagu horumarinayo hannaanka shaqo ee ciidanka.
Ugu dambeyn, Taliyaha Ciidanka Dhulka, Ganeraal Sahal Cabdullahi Cumar, ayaa taliyaasha kula dardaarmay in ay laba jibaaraan shaqada loo idmaday, isagoo ku amaanay dadaalkooda iyo go’aan qaadashadooda. Shirka ayaa lagu soo gaba-gabeeyey si guul leh.




