Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud oo ka qeybgalay Shir ay soo qabanqaabiyeen Bangiga Adduunka, UN-Habitat iyo UNHCR

0

NAIROBI, 18 NOVEMBER 2025 – Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-Dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, iyo Wasiirka Dhulka & Guriyeynta ee Dowladda Kenya, Hon. Alice Wahome, EGH, ayaa si wadajir ah u daah-furay shir heer caalami ah oo loogu magac daray Cities and Towns Learning Academy – Deep Dive on Sustainable Human Settlements in Fragile and Conflict-Affected (FCV) Contexts.

 

Shirkan, oo ay soo qabanqaabiyeen Bangiga Adduunka, UN-Habitat iyo UNHCR, ayaa xooga saaray sidii loo hormarin lahaa qorsheynta magaalooyinka, dhismaha deegaannada waara, iyo xal u helidda caqabadaha ka dhasha barakaca iyo nuglaanta bulshada ee ku nool dalalka ay colaadaha iyo dhibaatooyinku ka jiraan.

Waxaa ka qaybgalay madax sare oo ka socda hay’adaha martigeliyey shirka, khubaro caalami ah, diblomaasiyiin iyo wakiillo ka kala socday lix dal oo Afrikaan ah. Sidoo kale, waxaa goobta joogay Guddoomiyeyaasha Boosaaso iyo Baydhabo, iyo Wasiir ka socda Puntland, kuwaas oo ka warbixiyay xaaladaha degmooyinkooda iyo baahiyaha degdegga ah ee arrimaha guryeynta.

Ujeedada shirka ayaa ahayd in dalalka ka qaybgalaya ay iska kaashadaan sidii loo xoojin lahaa dib-u-dejinta qaxootiga iyo barakacayaasha, horumarinta adeegyada bulshada sida biyo-gelinta, caafimaadka iyo waxbarashada, iyo dhismaha guryo tayo leh oo waara. Waxaa sidoo kale xoogga la saaray ilaalinta deegaanka, kordhinta maalgelinta guryaha iyo horumarinta sharciyada lagu hago arrimaha barakacayaasha iyo deegaannada ay ku nool yihiin.

Mas’uuliyiinta Soomaaliya ayaa ku tilmaamay shirka mid muhiim u ah qorshaha qaranka ee dib-u-dejinta iyo dhismaha magaalooyinka, gaar ahaan maadaama dalka uu martigeliyo boqolaal kun oo barakacayaal ah oo u baahan guryo ammaan ah, adeegyo bulsho iyo kaabeyaasha aas-aaska u ah nolol waarta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here