MUQDISHO – Ciidamada Macaawisleyda ee ka howlgala degmada Xarardheere ayaa xalay fuliyeen howlgal si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo si toos ah loogu beegsaday maleeshiyaad Al-Shabaab ah oo ku sugnaa tuulada Dumaaye ee gobolka Mudug.
Howlgalka ayaa lagu dilay 6 maleeshiyaad ah, waxaana gacanta lagu soo dhigay hub iyo saanad ay argagixisadu ku dhibaateyn jireen dadka shacabka ah. Hubka la qabtay waxaa ka mid ahaa afar qori AK-47 ah iyo agab ciidan oo kale.
Dhanka kale, Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ayaa fashiliyey weerar naf-la-caari ah oo ay Al-Shabaab kusoo qaadeen deegaanka Dabagalo, oo qiyaastii 35 KM dhanka Waqooyi-Galbeed ka xiga Xarardheere. Ciidanku waxay ka hortageen qorshaha cadowgu maleegayay ee lagu doonayay in lagu carqaladeeyo nabadgelyada deegaanka.
Sidoo kale, howlgal kale oo ka dhacay wadada isku xirta Garasweyne iyo Moragabey oo 37 KM galbeed kaga beegan degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa lagu beegsaday koox kale oo Al-Shabaab ah. Howlgalkaas waxaa lagu dilay 5 dhagar-qabe, oo ay ku jireen hogaamiyayaal muhiim u ahaa kooxda, iyadoo ciidanku ay gacanta ku dhigeen 2 qori AK-47 ah iyo saanad ciidan oo kale.
Magacyada hogaamiyayaasha la dilay waxaa ka mid ah:
Ibraahim Caliyow Maxamed Macalin
Aadan Maxamed Same
Cabdullaahi Aadan Dheere
Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa bogaadiyay dadaallada joogtada ah ee CXD iyo ciidamada Macaawisleyda ee lagu ciribtirayo haraadiga Al-Shabaab, waxaana ay mar kale cadeeyeen in howlgalladu sii socon doonaan ilaa shacabka Soomaaliyeed ay ku noolaadaan ammaan buuxa iyo xasillooni waarta.



