NAIROBI, Kenya – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo ku sugan magaalada Nairobi, ayaa kulan rasmi ah la qaatay dhigiisa dalka Kenya, Moses M. Wetang’ula.
Ugu horreyn, Guddoomiyaha Baarlamaanka Kenya ayaa hambalyo u diray Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur xilka uu ka hayo shir guddoonka guddoomiyeyaasha baarlamaanadda Ururka Bulshada Bariga Afrika, doorashada xubnaha Soomaaliya ku metelaya Baarlamaanka Ururka, iyo kaalinta firfircoon ee Soomaaliya ku leedahay ururka.
Dhanka kale, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa uga tacsiyeeyey dhigiisa Kenya geerida ra’iisulwasaarihii hore ee dalkaasi, Raila Odinga, sidoo kalena wuxuu dhigiisa ku casuumay shirka Guddoomiyeyaasha Baarlamaanadda Ururka Bulshada Bariga Afrika, oo Soomaaliya martigelin doonto bisha May sanadka 2026.
Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray:
- Dhisida guddiga saaxiibtinimada baarlamaanada labada wadan.
- Qibrad is-weydaarsiga xildhibaanada labada baarlamaan.
- Xoojinta wada-shaqeynta guud ee labada baarlamaan.
Kulanka waxaa ka qeyb galay Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle (Jaabiri), Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya, Danjire Jibriil Ibraahim Cabdulle, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Mudane Yuusuf Xasan.




