MUQDISHO — Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa dalka dib ugu soo laabtay, isaga oo soo gabagabeeyay safarro shaqo oo uu ku tagay Uganda iyo Kenya.
Madoobe iyo wafdigiisa ayaa lagu soo dhoweeyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku qaabileen Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka.
Intii uu ku sugnaa magaalada Kampala ee caasimadda Uganda, Guddoomiyaha ayaa ka qeyb galay shirka guddoomiyaasha baarlamaanada Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC), waxaana halkaas loogu doortay Guddoomiyaha shir-guddoonka baarlamaanada EAC ee sanad-dugsiyeedka 2025–2026, taas oo loo arkay guul diplomasiyadeed oo muhiim u ah Soomaaliya.
Kadib Uganda, Madoobe ayaa booqasho gaaban ku tegay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo uu kulan miro-dhal ah kula yeeshay dhigiisa Kenya, Moses Wetang’ula. Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal, gaar ahaan wada-shaqeynta baarlamaanada, dhismaha guddiga saaxiibtinimada Soomaaliya–Kenya, iyo isdhaafsiga waayo-aragnimada sharci-dejinta.
Soo laabashada Madoobe ayaa ku soo beegmaysa iyadoo Soomaaliya ay dardar gelinayso xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga gobolka, gaar ahaan maadaama ay dhawaan ku biirtay urur goboleedka EAC.




