Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo ka qeyb galay Shirweynaha Midowga Afrika iyo Midowga Yurub

0

LUANDA, ANGOLA – Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta ka qeyb galay Shirweynaha Midowga Afrika iyo Midowga Yurub, oo si rasmi ah uga furmay magaalada Luanda ee dalka Angola, iyadoo shirka uu diiradda saarayo xoojinta iskaashiga labada qaaradood.

 

Shirkan heerka sare ah ayaa Soomaaliya ku soo bandhigtay horumarka ay ka samaysay dhinacyada nabadda, amniga, dowlad-dhiska iyo dib-u-habeynta maaliyadda, kuwaas oo door weyn ka qaatay xasilinta dalka iyo kor u qaadidda hay’adaha dowladda.

Khudbad uu jeediyey Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayuu ku sheegay in Soomaaliya ay ka go’an tahay sii wadista dib-u-habeynta amniga, tayeynta hay’adaha dowladda iyo la-dagaallanka kooxaha xagjirka ah, isaga oo xusay kaalinta muhiimka ah ee Midowga Afrika iyo Midowga Yurub ay ku leeyihiin taageerada joogtada ah ee Soomaaliya.

Mudane Saalax ayaa sidoo kale tilmaamay guulaha waaweyn ee Soomaaliya ay gaartay sanadihii u dambeeyay, oo ay kamid yihiin ka bixitaanka deyma-cafinta HIPC iyo ku biirista Bulshada Bariga Afrika (EAC), kuwaas oo horseeday fursado cusub oo ganacsi iyo maalgashi.

Ugu dambayn, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa ku baaqay in la sii xoojiyo iskaashiga ku dhisan kalsooni, wadajir iyo mas’uuliyad wadaag, si loo dhiso mustaqbal ay ku jirto horumar, barwaaqo iyo caddaalad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here