Xasan Sheekh: “Dalkaan Soomaaliya waxaa leh Muwaadiniintiisa”

0

MUQDISHO, Soomaaliya — Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa soo xiray Shirweynaha Labaad ee Aqoonsiga Qaranka (SNIDC2025), kaas oo muddo laba maalmood ah ka socday caasimadda Muqdisho. Madaxweynaha ayaa ammaanay shaqada Hay’adda Aqoonsiga Qaran ee NIRA, muwaadiniinta isdiiwaan-geliyey, iyo talo-soojeedinta khubarada ee ku saabsan horumarinta aqoonsiga dijitaalka ah.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in shirkan uu muujinayo sida dowladda federaalka ay uga go’an tahay dhammaystirka nidaam Aqoonsi Qaran oo mideysan, casri ah oo ammaan badan, kaas oo lagu hormarinayo dowladnimada, amniga iyo adeegyada bulshada.

Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in go’aannada shirweynahan ay qayb ka noqon doonaan qorshaha qaran ee adeegyada dowliga ah ee ku saleysan tiknoolojiyadda casriga ah.

Isagoo carrabka ku adkeynaya muhiimada kaarka aqoonsiga NIRA, Madaxweynaha ayaa yiri: “Dalkaan Soomaaliya waxaa leh muwaadiniintiisa. Muwaadin qaado kaarka aqoonsiga NIRA — maanta waa fudud yahay, berrina waxaa imaan doonta xilli aan la’aantiis nolol lagu maareyn karin. Aan la jaanqaadno dunidan casriga ah. Dalkaan 35 sano ka hor halkuu joogay ma sii joogayo; waa inaan ku dhaqannaa qawaaniinta caalamiga ah, una noolaanno sida adduunka kale loogu nool yahay.”

Ugu dambayn, Madaxweynaha ayaa ku booriyey hay’adaha dowladda in ay si wadajir ah u dhaqan geliyaan talooyinka iyo qorshayaasha wax ku oolka ah ee laga soo saaray shirweynaha, si loo xaqiijiyo in dhammaan shacabka Soomaaliyeed ay helaan Aqoonsiga Qaranka loona xoojiyo kalsoonida ay ku qabaan dowladnimada iyo dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here