Gollaha Shacabka oo Akhrinta Labaad ee Heshiiska Ciidanka Heeganka Bariga Afrika

0

MUQDISHO, Soomaaliya — Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhigii 15-aad ee todobaadka, iyadoo shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

 

Kulanka, oo ay ka qeyb galeen 140 xildhibaan, ayaa ajendahiisu ahaa akhrinta labaad ee Heshiiska Aas-aasida Ciidanka Heeganka Bariga Afrika, kaasoo ay diyaarisay Wasaaradda Difaaca. Heshiiska ayaa horey akhrinta koowaad u maray, waxaana ka shaqeeyey Guddiga Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah oo kaashanaya Guddiga Difaaca.

Mudanayaasha ayaa ka dooday qodobada heshiiska, iyagoo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhiga weydiiyey su’aalo ku saabsan muhiimadda iyo ahmiyadda uu heshiisku u leeyahay dalka iyo gobolka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa kulanka soo xiray isagoo faray guddiyada ku shaqada leh heshiiskan in ay diyaariyaan akhrinta saddexaad, si dib loogu soo bandhigo Golaha loona qaado cod.

Ugu dambayn, mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa sidoo kale loo qeybiyey akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Daawada, si loo sii wado horumarinta sharciga dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here