NISA Oo Gacanta Ku Dhigtay Shabakad Al-Shabaab Ah Oo Ka Kooban 11 xubnood

0

Muqdisho, Soomaaliya – Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgallo qorshaysan oo ay ka fuliyeen Muqdisho iyo deegaano ka tirsan gobollada Shabeellada Hoose iyo Shabeellada Dhexe ku soo qabtay shabakad Al-Shabaab ah oo ka kooban 11 xubnood.

 

War kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay in kooxdan ay ku jireen shaqsiyaad Al-Shabaab u diyaarisay inay fuliyaan falal argagixiso, ay sameeyaan basaasnimo, isla markaana isku dhex qari karaan shacabka si ay u wiiqaan amniga Muqdisho iyo hareeraheeda.

Ciidamada Sirdoonka Qaranka oo hayay xog dhammeystiran ayaa xubnaha mid mid u soo qabtay, xilli ay qaarkood gacanta kula jireen falal argagixiso oo ay doonayeen inay ka fuliyaan caasimadda iyo deegaanada ku dhow.

NISA ayaa xustay in dhammaan xubnahan loo gudbin doono hay’adaha garsoorka ku shaqada leh, si loogu qaado tallaabo sharci ah oo waafaqsan dambiyada lagu eedeeyay.

Howlgalladan ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda Federaalka Soomaaliya ay kula dagaalamayso Al-Shabaab, iyadoo maalmihii u dambeeyay ay kordheen hawlgallada amniga lagu xaqiijinayo ee ka socda caasimadda iyo gobollada ku xeeran.

May be a graphic of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here