Soomaaliya iyo Morocco oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka iyo Iskaashiga Dhaqaale

0

MUQDISHO, Soomaaliya – 27 Nofeembar 2025 — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo booqasho shaqo ku jooga dalka Morocco, ayaa magaalada Rabat kulan kula yeeshay dhiggiisa dalkaas, Mudane Casiis Akhannuuj, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray horumarinta iskaashiga diblomaasiyadeed, kobcinta ganacsiga, iyo ballaarinta xiriirka dhaqaale ee labada dal.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa dhigiisa u faahfaahiyay horumarrada ay Soomaaliya ka sameysay dhinacyada siyaasadda, amniga iyo diblomaasiyadda, isaga oo xusay dadaallada socda ee lagu xaqiijinayo geeddi-socodka dimuqraadiyadda iyo hirgelinta doorashooyinka dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Morocco, Casiis Akhannuuj, ayaa dhankiisa muujiyay muhiimadda iskaashiga labada dal u leeyahay amniga, dhaqaalaha iyo horumarinta xiriirka guud, isaga oo ku nuuxnuuxsaday in Morocco diyaar u tahay kordhinta taageerada iyo wada-shaqeynta Soomaaliya.

May be an image of one or more people, dais, the Oval Office and textMay be an image of one or more peopleMay be an image of one or more people, the Oval Office, dais and textNo photo description available.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here