Soomaaliya iyo Türkiye oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Beeraha iyo Taageerada Beeralayda

0

MUQDISHO, Soomaaliya — Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), oo hoggaaminaya wafti uu horkacayo oo booqasho shaqo ku jooga dalka Turkiga, ayaa magaalada Istanbul kulan muhiim ah kula yeeshay Wasiirka Beeraha iyo Kaymaha ee Jamhuuriyadda Türkiye, Mudane İbrahim Yumaklı.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iskaashi ee u dhexeeya labada dal iyo gaar ahaan labada wasaaradood, iyadoo ay labada dhinac ka wada hadleen sidii loo ballaarin lahaa taageerada dhinacyada beeraha, waraabka iyo horumarinta wax-soo-saarka gudaha ee Soomaaliya.

Wasiir Maareeye ayaa dhigiisa uga warbixiyay baahiyaha degdegga ah ee beeralayda Soomaaliyeed, isagoo xusay in wax-soo-saarka dalka uu si weyn uga faa’iideysan karo maalgelinta iyo aqoonta dhinaca beeraha ee Türkiye. Wuxuu tilmaamay in beeralayda Soomaaliyeed ay u baahan yihiin qalab casri ah, abuur tayo sare leh, tababaro farsamo iyo hanaan waraab oo joogto ah, si loo kordhiyo wax-soo-saarka iyo isku filnaanshaha dalka.

Dhankiisa, Wasiirka Beeraha iyo Kaymaha Türkiye, İbrahim Yumaklı, ayaa muujiyay in dowladda Türkiye ay diyaar u tahay xoojinta taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan mashaariicda kor u qaadaya wax-soo-saarka beeraha, maamulka biyaha iyo tababarrada farsamo ee beeralayda. Waxa uu xusay in xiriirka walaaltinimo ee labada dal uu yahay mid ku dhisan kalsooni iyo iskaashi muddo dheer soo jiray.

Kulanka ayaa ku dhammaaday isku afgarad ku saabsan in labada wasaaradood ay diyaariyaan qorshe shaqo oo wadajir ah, kaas oo lagu dardargelin doono mashaariicda horumarinta beeraha, lana sii xoojin doono xiriirka iyo wada-shaqeynta mustaqbalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here