LONDON – Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, oo ka qeybgalaya shirka 34-aad ee Golaha Hay’adda Baddaha Adduunka (IMO) ee ka socda magaalada London, ayaa maanta kulan doceed la qaatay Xoghayaha Guud ee IMO, Mudane Arsenio Dominguez.
Kulanka ayaa Wasiirku ugu wareejiyay Xoghayaha Guud waraaqaha rasmiga ah ee caddeynaya ku biirista Soomaaliya ee heshiiska caalamiga ah ee IMSO, taas oo qeyb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojinayso amniga badda, maamulka marin-biyoodka iyo iskaashiga caalamiga ah ee dhinaca badaha.
Waxaa goobjoog ka ahaa kulanka Maareeyaha Dekadda Muqdisho, Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameriko), iyo Safiirka Soomaaliya ee Boqortooyada Ingiriiska, Cabdulqaadir Cabdi Xaashi.
Intii lagu guda jiray kulanka, waxaa diiradda lagu saaray sida iskaashiga cusub ee IMSO uu u taageeri karo:
Xoojinta amniga badda Soomaaliyeed
Casriyeynta hay’adaha badda ee dowladda
Dhisidda sharciyo iyo nidaamyo adag oo ilaalinaya xeebaha dalka
Kordhinta wada shaqeynta Soomaaliya iyo hay’adaha caalamiga ah ee badda
Shirkan ayaa Soomaaliya u horseedi doona fursado cusub oo dhanka maamulka badda ah, isla markaana kor u qaadi doona doorka ay ku leedahay nidaamka baddaha adduunka.




