MUQDISHO – Kooxo Macawiisley ah oo ka soo jeeda deegaanka Yaaqbiriweyne ayaa ku soo bandhigay awooddooda militari deegaanka Leego ee gobolka Shabeellaha Hoose, iyaga oo si isku duuban ugu muuqday goobta, kana jawaabayay eedeymo dhowaan lala xiriiriyay.
Macawiisleyda ayaa waxaa dhex socday xubno horey ay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ugu ridday xukuno dil ah, kuwaas oo lagu eedeeyay ka qeybgalka dilal ka dhacay degmada Wanla Weyn iyo tuulooyinka ku hareeraysan.
Inkasta oo ay xubnahaasi sheegeen inay ka maran yihiin eedaha, haddana dowladda ayaan weli ka hadal muuqaalka ay maanta sameeyeen.
Gaadiidleyda isticmaala wadooyinka waaweyn ee ku teedsan Leego ayaa maanta la kulmay Macawiisleyda oo u sheegay inaysan wax isbaaro ah dhigin, islamarkaana gaadiidka u marayaan si xor ah oo aan cabsi lahayn.
Hadalkan ayaa loo fasirtay isku day ay kooxdu ku doonayso inay ku soo celiso kalsoonida bulshada, isla markaana kaga fogaato eedeymo ah inay ku lug leeyihiin dhibaatooyinka ka dhanka ah darawallada iyo lacagaha sharci darrada ah ee waddooyinka laga qaado.
Dhanka kale, ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa wali ka wada degmada Wanla Weyn howlgallo qorsheysan oo lagu baadi-goobayo rag loo haysto falal dil ah iyo weerarro hubeysan.
Ciidamada oo dhowaan gaaray degmada ayaa baaritaanno ka sameynaya tuulooyinka hoos yimaada, iyagoo raadinaya eedeysanayaal ay Maxkamadda Ciidamada horay ugu xukuntay dil, kuwaas oo la rumeysan yahay inay ku dhuumaaleysanayaan deegaanka.
Saraakiisha dowladda ayaa sheegay in howlgaladu ay yihiin kuwa si gaar ah loo bartilmaameedsaday, laguna doonayo in lagu soo qabto dadka lagu eedeeyay falalka amni-darrida ee dhowaan ka dhacay gobolka.



