Aqalka Sare oo ansixiyay Sharciga Dhisidda Hay’adda Maalgashiga Soomaaliyeed

0

MUQDISHO, 29 Nofeembar 2025 – Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo uu wehlinayo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde), ayaa maanta shir guddoomiyay Kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 10-aad, iyadoo ajandaha kulanka uu ka koobnaa labo hindise-sharciyeed oo muhiim ah.

 

Qodobka koowaad ee kulanka ayaa ahaa akhrinta saddexaad ee Hindise-Sharciyeedka Dhisidda Hay’adda Maalgashiga Soomaaliyeed. Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Arrimaha Gudaha Aqalka Sare, Sanatar Cabdiwali Ibraahim Garyare, ayaa Sanatarrada u jeediyay warbixinta ugu dambeysa, isagoo sharaxay sida sharciga loogu waafajiyay talooyinkii iyo aragtiyihii ay xubnaha Aqalka Sare ku soo biiriyeen akhrintii labaad.

Kadib dood kooban, sharciga ayaa la geliyay cod u qaadis, waxaana oggolaaday 29 Sanatar, iyadoo aanay jirin cid diidday ama ka aamustay. Sidaas ayuu Hindise-Sharciyeedku ku noqday mid si rasmi ah u ansaxay.

Wasiirka Qorshaynta Qaranka, Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene, oo kulanka goobjoog ka ahaa, ayaa uga mahadceliyay Aqalka Sare ansixinta sharciga, isagoo tilmaamay inuu door muhiim ah ka qaadan doono horumarinta iyo nidaaminta maalgashiga dalka.

Markii uu soo xirmay ajandaha koowaad, Sanatarrada waxay u gudbeen akhrinta koowaad ee Hindise-Sharciyeedka Dib-u-eegista Sharciga La-dagaalanka Burcad-badeedka iyo Ka-hortagga Afduubka.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda XFS, Ilyaas Sheekh Cumar, ayaa soo bandhigay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan sharcigan, isaga oo xusay muhiimadda uu u leeyahay adkeynta amniga badda iyo la dagaalanka kooxaha burcad-badeedda ee weli khatarta ku haya xeebaha Soomaaliya.

Kulanka ayaa ku soo dhammaaday iyadoo Sanatarradu ay balanqaadeen in ay si dhow u sii eegaan sharcigan inta lagu guda jiro akhrinta xigta ee qorshaysan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here