Dhuusamareeb, 30 Nofeembar 2025 — Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), ayaa maanta ka qayb galay munaasabad ay dowladda Galmudug si rasmi ah ula wareegtay xaruntii loo diyaariyay Xafiiskii Siyaasadda Qaramada Midoobay ee Galmudug, xafiis shaqadiisu guud ahaan dalka ka socon doonto illaa bisha Oktoobar 2026.
Madaxweyne Qoorqoor ayaa ugu baaqay hay’adaha kale ee Qaramada Midoobay in ay ka faa’iideystaan xarumahan si loo xoojiyo adeegyada muhiimka ah ee bulshada reer Galmudug, isagoo tilmaamay in wadashaqeynta joogtada ahi ay muhiim u tahay xasilinta iyo horumarinta bulshada.
Munaasabadda waxaa sidoo kale ka qayb galay Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, mudane James Swan, oo sheegay in Qaramada Midoobay ay sii wadi doonto garab istaagga maamulka iyo shacabka Galmudug.
Xafladda ayaa lagu tilmaamay mid xoojinaysa iskaashiga dowladda Galmudug iyo Qaramada Midoobay, gaar ahaan dhanka maamul wanaagga, siyaasadda iyo adeegyada bulshada.




