MUQDISHO – Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS), Mudane Cabdikariim Axmed Xasan, ayaa sheegay Guddigu uu si buuxda u gudanayo waajibaadka uu u xil-saaray Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Shuruucda Doorashooyinka Qaranka, isagoo xusay in hawlaha diyaar-garowga ee doorashada degmooyinka Banaadir ay si hufan u socdaan, isla markaana Guddigu ku shaqeynayo jadwalkii doorashada ee uu hore u iclaamiyay.
Mudane Cabdikariim Axmed Xasan waxaa uu sidoo kale shaaciyay in 12 Urur Siyaasadeed ay si dhameystiran u soo gudbiyeen liiskooda , halka qaar kale ay soo gudbiyeen qeyb kamid ah liiska musharaxiintooda u tartamaya doorashada goleyaasha deegaanka ee Gobolka Banaadir.
Ururada Siyaasadda ee soo gudbiyay liiska ayaa kala ah:
1. Ramaas
2. Karaama
3. Towfiiq
4. Saab
5. Madalsan
6. Cadaaladda & Wadajirka
7. Horumar & Midnimo Qaran
8. Muwaadiniinta Soomaaliyeed
9. Midnimada Shacabka
10. Qaranka Dimuquraadiga ah
11. Qiimo Qaran
12. Dowlad Wanaaga Soomaaliyeed
Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in soo gudbinta liiska musharaxiinta ay muujinayso diyaar-garow heer sare ah oo ka jira dhanka Ururada siyaasadda, isaga oo ku boorriyey ururada aan weli soo gudbin liiskooda inay ka faa’iidaystaan fursadaha sharcigu u oggol yahay ee ku saabsan gudbinta liisaska iyo dhammeystirka shuruudaha tartanka.
Ugu dambayn, Guddoomiye Cabdikariim Axmed Xasan ayaa ugu baaqay dhammaan daneeyeyaasha doorashooyinka Ururada siyaasadda, bulshada rayidka ah, dhallinyarada, haweenka iyo maamulka degmooyinka in si wadajir ah loola shaqeeyo Guddiga si loo xaqiijiyo doorasho xor ah, hufan, nabdoon oo waafaqsan sharciga.




