
NEW YORK — Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa la filayaa inuu dib u cusbooneysiiyo Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ka hor inta aan mandate-kiisu dhicin dhammaadka bisha December, sida ay wararku sheegayaan.
Sidoo kale, Golaha Ammaanka ayaa dib u eegi doona cusboonaysiinta cunaqabateynta 2713 ee Al-Shabaab, oo ay ku jirto qaybta xannibaadda badda, taasoo dhacaysa 13-ka December. Arrimahan ayaa qeyb ka ah shaqada Guddiga Khubarada taageera Guddiga Cunaqabateynta 2713, kaas oo waajibaadkiisu dhamaanaya 13-ka Janaayo 2026.
Go’aankan ayaa ku soo beegmaya iyadoo AUSSOM uu wajahayo caqabado dhaqaale oo saameynaya howlaha howlgalka iyo Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), taasoo halis gelinaysa amniga iyo xasilinta dalka.
Midowga Afrika ayaa beesha caalamku ku booriyay inay si degdeg ah u xaqiijiyaan maal‑gelin joogto ah, si ciidamada AUSSOM ay u helaan mushahar, sahay, iyo taageero buuxda oo hawlgalladooda ah.
Madaxda AU-da waxay digniin u jeediyeen in haddii maal‑gelin la’aantu sii socoto, guulihii laga gaaray la dagaallanka Al-Shabaab iyo ilaalinta goobaha laga xoreeyay ay khatar gelin karto, taasoo saameyn ku yeelan karta amniga bulshada Soomaaliyeed.
Dalalka taageera AUSSOM ayaa lagu booriyay inay kordhiyaan maal‑gelintooda, si hawlgalka uu u noqdo mid mideysan, waxtar leh, ayna Soomaaliya u hesho nabad waarta.



