Muqdisho – Ciidamada Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyey deegaanka Towfiiq oo u dhow Tooratoorow, gobolka Shabeellaha Hoose, iyagoo ku guuleystay inay gacanta ku dhigaan labo dhagar-qabe oo ka tirsan Al-Shabaab.
Wararka ayaa sheegaya in raggan la qabtay ay ku howlanaayeen baadda iyo dhibaateynta shacabka deegaanka. Mid ka mid ah eedeysanayaasha, oo lagu magacaabo Sakariye, ayaa baaritaanno kadib lagu ogaaday inuu yahay wiilka uu dhalay Macallin Cabdirahmaan, oo ka mid ah hogaamiyaasha Al-Shabaab ee ay ciidamada qaranku muddo ku raadjoogeen.
Intaa waxaa dheer, Danab ayaa howlgalka ku soo qabtay mooto ay argagixisadu u adeegsan jirtay gaadiid ahaan, hub iyo agab kale oo muujinayey in lagu diyaarinayey falal argagixiso oo ka dhan ah dadka rayidka ah.
Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee ay ciidamada qalabka sida ugu jiraan ciribtirka Al-Shabaab, iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya ku celcelisay inay ka go’an tahay xaqiijinta nabadgelyada iyo amniga shacabka.
WAR-SAXAAFADEED





