Muqdisho — Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh, ayaa kulan soo-dhoweyn, xog-wareysi iyo dardaaran ah la qaatay 148 muwaadin oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u fududeysay in ay si nabad ah dib ugu soo laabtaan dalkooda.
Kulanka ayaa Wasiirku muwaadiniinta ku bogaadiyey soo-laabashadooda, isaga oo xusay in dowladda ay mudnaanta siinayso daryeelka, dib-u-dejinta iyo kaalin-siinta muwaadiniinta ka soo laabanaya qurbaha, gaar ahaan kuwa duruufo adag ku soo maray dalal kale. Wasiirka ayaa sidoo kale ku boorriyey muwaadiniinta in ay ka qeyb qaataan dib-u-dhiska dalka iyo xoojinta nabadda iyo midnimada.
Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Mudane Axmed Xuseen Cilmi, ayaa Wasiirka Arrimaha Gudaha siiyey warbixin faahfaahsan oo ku saabsan geeddi-socodka soo-gurya-noqoshada muwaadiniintan, tallaabooyinka la qaaday iyo taageerada ay hay’addu bixisay, oo ay ka mid yihiin diiwaangelin, soo-dhoweyn iyo isku-xirnaanta adeegyada aasaasiga ah.
Muwaadiniinta la soo celiyey ayaa laga keenay dalka Yemen, waxaana ay ka koobnaayeen in ka badan 80 qoys. Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Soomaaliyeed ayaa fulisay diiwaangelinta iyo soo-dhoweynta, iyadoo la xaqiijiyey in muwaadiniintaasi helaan taageero ku habboon marxaladda bilowga ah ee dib-u-dejinta.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale adkaysay ballan-qaadkeeda ku aaddan ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta, fududeynta soo-laabashadooda, iyo xaqiijinta in ay helaan fursado nololeed oo waara marka ay dalka ku soo noqdaan.




