RW-Ku-Xigeenka Labaad: Xukuumadda waxaa ka go’an inay difaacdo xuquuqda aadanaha

0

MUQDISHO — Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa magaalada Muqdisho ka furay munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka oo sanad kasta la xuso 10-ka December.

 

Xafladda oo ay ka qayb galeen mas’uuliyiin ka socotay hay’adaha dowladda, xubno ka tirsan bulshada rayidka ah iyo wakiillo ka socda Qaramada Midoobay, ayaa lagu iftiimiyay muhiimadda ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo doorka Soomaaliya ee ku aaddan horumarinta iyo dhowrista xuquuqahaas.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u heellan tahay xoojinta iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta, isaga oo carrabka ku adkeeyay in dowladda DanQaran ay si dhab ah uga go’an tahay hirgelinta nidaamyo waxtar leh oo lagu difaaco xuquuqda aadanaha.

Wuxuu sidoo kale xusay in Xukuumadda dhawaan ay dhistay Guddiga Qaranka ee Xuquuqda Aadanaha, guddigaas oo loo xil-saaray mideynta warbixinada, kormeerka iyo dabagalka, si loo hubiyo in Soomaaliya ay la jaanqaaddo heerarka iyo qiyamka caalamiga ah ee xuquuqul insaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here