MUQDISHO — Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqday in ciidamada Booliiska iyo Milatariga Dowladda Federaalka Soomaaliya laga saaray liiska dhinacyada lagu eedeeyo askaraynta iyo isticmaalka carruurta ee goobaha dagaalka, tallaabo loogu tilmaamay guul muuqata oo ka dhalatay dadaallo sanado badan socday.
Warbixin Qaramada Midoobay u gudbisay Golaha Ammaanka ee ku saabsan carruurta iyo colaadaha Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday heerka xadgudubyada lagu hayo carruurta iyo tallaabooyinka la qaaday si loo yareeyo ama looga hortago.
Warbixintu waxay muujisay in 8,493 xadgudub laga diiwaangeliyay Soomaaliya intii u dhaxaysay 2021 illaa 2024, kuwaas oo 6,801 ka mid ah loo geystay carruur. Xadgudubyada ugu badan waxaa ka mid ahaa askaraynta carruurta, afduubka iyo dilalka.
Al-Shabaab ayaa lagu sheegay inay mas’uul ka tahay 66% dhammaan xadgudubyada la xaqiijiyay, iyadoo sare u qaaday qorista carruurta iyo marin-habaabinta lagu sameeyo masaajidda iyo dugsiyada Qur’aanka ee gobollada ay maamulaan. Carruur ka yar 8 sano ayaa lagu daray kooxaha la askareeyay.
Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada colaadda inay si degdeg ah u joojiyaan askaraynta carruurta, ayna ilaaliyaan iskuullada iyo xarumaha caafimaadka si loo adkeeyo nidaamyada ka hortagga xadgudubyada.
Inkasta oo horumar muuqda la gaaray, Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in Al-Shabaab weli yahay kooxda ugu badan ee geysanaysa xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee dalka, oo ay ku jiraan dilal, afduub iyo weerarro ka dhan ah shacabka, shaqaalaha gargaarka iyo hay’adaha dowladda.



