Xasan Cali Kheyre oo Muqdisho kulan kula yeeshay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir

0

MUQDISHO — Musharax Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa hoygiisa uu ka degan yahay caasimadda Muqdisho kulan kula yeeshay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahna Duqii Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale).

 

Kulankan, oo ahaa booqasho sharafeed uu Guddoomiye Madaale ugu yimid Mudane Kheyre, ayaa diiradda lagu saaray is-weydaarsi ku saabsan xaaladda guud ee dalka, caqabadaha siyaasadeed ee jira iyo sidii xal waara loogu heli lahaa arrimaha la xiriira geeddi-socodka siyaasadda iyo dowlad-dhiska Soomaaliya.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay dhameystirka hannaannada dowlad-dhiska, xoojinta hay’adaha dowladda iyo dardargelinta wada-hadal siyaasadeed oo loo dhan yahay, si looga gudbo khilaafaadka jira loona helo xasillooni siyaasadeed oo waarta.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa hoosta ka xarriiqay baahida loo qabo midnimo siyaasadeed iyo wadatashi qaran oo furan, si loo xaqiijiyo horumar iyo dowladnimo ku dhisan rabitaanka shacabka.

Dhankiisa, Yuusuf Madaale ayaa muujiyay taageeradiisa dadaallada lagu doonayo in lagu helo xal siyaasadeed oo loo wada dhan yahay, isagoo carrabka ku adkeeyay doorka ay leeyihiin hoggaamiyeyaasha siyaasadda ee waayo-aragga ah.

Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli dalka uu wajahayo xaalado siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo ay socdaan wada-tashiyo iyo kulamo ay mas’uuliyiin kala duwan uga arrinsanayaan mustaqbalka siyaasadda Soomaaliya.

May be an image of one or more people, dais and textMay be an image of one or more people, dais and textMay be an image of daisMay be an image of one or more people and textMay be an image of one or more people and suit

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here