Ciidanka NISA oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Hiiraan, 9 ka tirsan Al-Shabaab oo la dilay

0

MUQDISHO – Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa maanta howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Tardo ee gobolka Hiiraan, halkaas oo lagu dilay illaa sagaal dhagarqabe oo ka tirsanaa Al-Shabaab, sidoo kalena lagu burburiyay goob ay halkaas ku diyaarinayeen dhibaateynta shacabka.

 

Howlgalka ayaa yimid kaddib markii la helay xog sirdoon oo sugan oo muujinaysay in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay deegaankaas ka sameysteen bar-koontarool sharci-darra ah, isla markaana ay qorsheynayeen in ay lacago baad ah kaga qaadaan gawaarida ay shacabka isticmaalayaan.

Saraakiil amni ayaa sheegay in howlgalka si guul ah u dhammaaday, isla markaana lagu fashiliyey damacyadii kooxda, iyadoo la ciribtiray xubnihii halkaas ku sugnaa iyo agabkii ay u adeegsanayeen falalka amni darrada ah.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa mar kale adkeysay go’aankeeda ah in meel kasta lagu beegsado cadowga Al-Shabaab ee ku howlan dhagarta, cabsi gelinta iyo dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed, iyada oo xustay in howlgalada noocan ah ay sii socon doonaan ilaa laga xaqiijinayo amniga guud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here