ANKARA – Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa magaalada Ankara ku saxiixay heshiis iskaashi iyo horumarinta wax-soosaarka badda ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, kadib kulan uu la yeeshay shirkadda OYAK ee dalka Turkiga.
Heshiiskan, oo horey ay ugu heshiiyeen labada dhinac, ayaa diiradda saaraya ilaalinta iyo horumarinta khayraadka badda ee Soomaaliya, iyada oo la xoojinayo iskaashiga dhinacyada maalgashiga, farsamada iyo horumarinta dhaqaalaha buluugga ah.
Wasiirka Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ayaa xarunta shirkadda OYAK ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga ee Turkiga, halkaas oo uu wasiirku ka jeediyay hadal uu ku muujiyay muhiimadda uu heshiiskani u leeyahay kobaca dhaqaalaha Soomaaliya iyo ka faa’iidaysiga khayraadkeeda badda.
Sida lagu sheegay heshiiska, iskaashiga labada dal ayaa horseedi doona maalgashi toos ah oo lagu sameeyo kaabeyaasha dhaqaalaha buluugga ah, kor u qaadista wax-soo-saarka kalluunka si uu u gaaro suuqyada caalamiga ah, dhisidda warshado kalluumeysi iyo horumarinta xirfadaha kalluumaysatada Soomaaliyeed.
Saxiixa heshiiskan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah, Mudane Cabdi Diirshe. Heshiiska ayaa mudnaan gaar ah siinaya la dagaallanka kalluumaysiga sharci-darrada ah, ilaalinta khayraadka badda, iyo abuurista kumannaan fursado shaqo oo si gaar ah u taabanaya dhalinyarada iyo bulshooyinka ku nool deegaanada xeebaha.
Wasiir Axmed Xasan Aadan ayaa bogaadiyay dowladda Turkiga iyo shirkadda OYAK sida ay uga go’an tahay taageerada maalgashiga Soomaaliya iyo xasilloonida dalka, taas oo keentay in shirkado caalami ah ay door muuqda ka qaataan horumarinta dhaqaalaha iyo shaqo abuurka.
Dhankooda, madaxda Wasaaradaha Gaashaandhigga, Beeraha iyo Kaymaha, Arrimaha Dibedda ee Turkiga iyo hoggaanka sare ee shirkadda OYAK ayaa muujiyay muhiimadda istaraatiijiyadeed ee heshiiskan, iyagoo uga mahad celiyay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed kalsoonida ay ku qabaan qorsheyaasha maalgashiga ee Turkiga. Heshiiskan ayaa lagu tilmaamay mid xoojinaya xiriirka labada dal isla markaana dardar gelinaya mashaariic horumarineed oo waaweyn.




