ANKARA, Turkiga — Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya, Mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa kulan miro-dhal ah kula yeeshay magaalada Ankara Wasiirka Beeraha iyo Kaymaha ee Turkiga, Mudane İbrahim Yumaklı, iyadoo kulanka uu diiradda saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal iyo labada wasaaradood.
Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay dardargelinta fulinta heshiisyadii horey loo gaaray, gaar ahaan Heshiiska Iskaashiga iyo Horumarinta Waxsoosaarka Badda, kaasoo muhiimad gaar ah u leh kobcinta dhaqaalaha kheyraadka badda ee Soomaaliya.
Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa goobta ka hadlay muhiimadda maalgashiga iyo sida uu u xoojin karo xiriirka labada wadan.
Mudane Axmed Xasan Aadan ayaa dowlada iyo shacabka Turkiga uga mahadceliyey taageerada joogtada ah iyo wadajirka ku dhisan walaalnimada labada dal. Dhankiisa, Wasiirka Beeraha iyo Kaymaha Turkiga, Mudane İbrahim Yumaklı, ayaa ku adkeeyey in dowladda Turkiga ay ka go’an tahay taageerada Soomaaliya iyo fulinta dhammaan heshiisyadii la wada saxiixday.



