Madaxweyne Xasan Sheekh oo Addis Ababa kula kulmay Abiy Axmed

0

Addis Ababa, Diseembar 19, 2025 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo safar shaqo oo hal maalin ah ku jooga magaalada Addis Ababa ee Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya, ayaa maanta kulan rasmi ah la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Mudane Abiy Ahmed.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, iyadoo si gaar ah looga wada hadlay horumarinta iskaashiga dhinacyada amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha gobolka.

Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale ka wada hadlay xaaladda guud ee Geeska Afrika iyo dadaallada lagu xaqiijinayo xasillooni iyo nabad waarta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii ambaqaadidda wada-shaqeyn ku dhisan is-ixtiraam, daris-wanaag iyo danta guud ee labada dal, si loo xoojiyo nabadda, amniga iyo horumarka gobolka Geeska Afrika.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku xoojinayso xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ay la leedahay dalalka deriska ah, gaar ahaan Itoobiya oo door muhiim ah ku leh arrimaha amniga iyo xasilloonida gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here