AFRICOM oo Duqeyn ka Fulisay Nuur Dugle kadib markii Al-Shabaab weerartay

0

MUQDISHO — Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa fuliyay duqeymo cirka ah oo lagu bartilmaameedsaday dagaalyahanno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha Dhexe ee koonfurta Soomaaliya, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay AFRICOM.

Duqeymaha ayaa ka dhacay agagaarka deegaanka Nur Dugle, oo qiyaastii 215 kiiloomitir waqooyi-bari kaga beegan Muqdisho.

“AFRICOM, oo kaashanaysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxay sii wadaysaa tallaabooyinka lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab ee hanjabaadda ku ah dalka Mareykanka, ciidamada, iyo muwaadiniinteena dibadda,” ayaa lagu yiri bayaanka AFRICOM.

Duqeymahan ayaa dhacay saacado kaddib markii dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen xeryaha dowladda iyo maleeshiyaadka deegaanka ee la shaqeeya, taasoo keentay dagaallo culus oo dhexmaray labada dhinac.

Dad deegaanka ku nool ayaa warbaahinta maxalliga ah u sheegay in dagaal xoogan uu ka dhacay, iyadoo labada dhinac ay adeegsanayeen hub culus iyo mid fudud, halka dhawaqa qaraxyada iyo rasaasta laga maqlayay deegaano ka baxsan goobta dagaalka.

Illaa hadda lama xaqiijin tirada rasmiga ah ee dhimashada iyo dhaawacyada dagaalka ka dhacay Nur Dugle, hase yeeshee warar hordhac ah ayaa tilmaamaya in dagaalka uu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh labada dhinac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here