Madaxweynaha oo faray ciidanka in ay u diyaar garoobaan ilaalinta nabad-gelyada doorashooyinka

0

MUQDISHO – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ka qayb-galay munaasabadda dabaal-degga sannad-guurada 82-aad ee ka soo wareegtay aas-aaskii Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, taas oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

 

Madaxweynaha ayaa hambalyo u diray Sarreeyaasha, Saraakiisha sare, Saraakiisha, Saraakiil-xigeennada, Kormeereyaasha, Alifleyda iyo Dableyda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, isaga oo ku bogaadiyey doorka muhiimka ah ee ay ku leeyihiin sugidda amniga iyo xasilloonida dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si gaar ah u amaanay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed guulaha muuqda ee laga gaaray sugidda amniga, dib u dhiska xarumaha Booliska iyo tayeynta iyo horumarinta ciidamada. Waxa uu faray ciidanka in ay u diyaar garoobaan gudashada waajibaadkooda ku aaddan ilaalinta nabad-gelyada doorashooyinka Qof iyo Codka ah ee ka qabsoomaya Gobolka Benaadir.

“Waan hambalyeynayaa shaqada wanaagsan ee Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ku qabteen waqti kooban. Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, tan iyo markii la aas-aasay sanadkii 1943-dii, waxa uu u taagnaa ilaalinta nafta, sharafta iyo hantida ummadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri Madaxweynaha, isaga oo xusay in uu u mahadcelinayo dhammaan ragga iyo dumarka Booliska Soomaaliyeed ee naftooda u huray sugidda amniga dalka.

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay Saraakiisha iyo Askarta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed in ay waajibaadkooda u gutaan si waafaqsan sharciga dalka, isla markaana ay ilaaliyaan nafta, hantida iyo sharafta muwaadiniinta Soomaaliyeed. Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in sarkaal walba lagula xisaabtami doono shaqada loo igmaday.

Munaasabadda xuska sannad-guurada 82-aad ee aas-aaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxaa ka qayb-galay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaanno, Taliyeyaasha Ciidanka Qalabka Sida, Taliyeyaashii hore, Danjireyaal iyo marti sharaf kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here