KISMAAYO, Soomaaliya — Wasiirka Wasaaradda Difaaca Kenya, Marwo Soipan Tuya, ayaa Jimcihii booqasho shaqo ku tagtay dalka Soomaaliya, si ay ula kulanto ciidamada Kenya ee ka tirsan Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), sida ay sheegeen mas’uuliyiin.
Wasiir Tuya ayaa ka degtay magaalada Kismaayo, iyadoo ay wehlinayeen saraakiil sare oo ka tirsan Ciidamada Difaaca Kenya (KDF), waxaana hoggaaminayay Taliyaha Ciidanka Dhulka Kenya, Sarreeye Guuto David Ketter.
Intii ay booqashada ku jirtay, Wasiirka Difaaca Kenya ayaa la kulantay ciidamada ku sugan Kismaayo, iyadoo gaarsiisay hambalyada munaasabadaha dhammaadka sanadka, isla markaana ku ammaantay doorkooda ku aaddan xasillinta Soomaaliya.
Soipan Tuya ayaa bogaadisay dadaalka iyo naf-hurnimada ay muujinayaan ciidamada Kenya iyo kuwa kale ee Afrikaanka ah ee ka wada shaqeynaya la-dagaallanka kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida, taas oo muddo dheer ka waday dalka falal amni-darro ah.
Waxay sidoo kale ku ammaantay askarta edebtooda, adkeysigooda iyo niyadda adag ee ay u wajahayaan khataraha amni, iyadoo u xaqiijisay in dowladda Kenya ay ka go’an tahay daryeelka iyo taageerada ciidamada ku sugan jiidda hore.
Kenya ayaa in ka badan toban sano ka mid ahayd howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Soomaaliya. Ciidamada Kenya ayaa markii ugu horreysay dalka soo galay dabayaaqadii sanadkii 2011, xilligii madaxweynihii hore ee Kenya Mwai Kibaki, kadib weerarro iyo afduubyo ka dhacay xeebaha Kenya oo lagu eedeeyay Al-Shabaab.
Hawlgalkaas oo loo bixiyay Operation Linda Nchi ayaa lagu wiiqay awoodda Al-Shabaab, waxaana ciidamada Kenya ay dib u qabsadeen deegaanno muhiim ah oo ay ka mid yihiin Kismaayo, Afmadow iyo Raas Kambooni, kahor intii aysan ku biirin Howlgalkii Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM).
Howlgalka AUSSOM, oo ah howlgal nabad-ilaalin oo dhameystiran kana tirsan Midowga Afrika, kana helay oggolaanshaha Qaramada Midoobay, ayaa hadda ah xoogga ugu weyn ee wajahaya Al-Shabaab, wuxuuna beddelay Howlgalkii ATMIS oo isna beddelay AMISOM. AUSSOM ayaa diiradda saaraya xasillinta Soomaaliya iyo wareejinta mas’uuliyadda amniga ee dalka oo dhan dowladda federaalka ah marka la gaaro sanadka 2029.




