MUQDISHO — Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) ayaa ku dhawaaqday in si ku-meel-gaar ah loo xiri doono Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, maalinta Khamiista ah ee ku beegan 25-ka December, 2025, sababo la xiriira doorashooyinka ka dhacaya caasimadda.
Qoraal rasmi ah oo ay soo saartay SCAA ayaa lagu wargeliyay shacabka Soomaaliyeed, shirkadaha diyaaradaha iyo wakaaladaha safarka in maalintaas aysan jiri doonin wax duulimaad ah oo ka degaya ama ka kacaya garoonka.
Hay’addu waxay sheegtay in go’aankan uu qeyb ka yahay qorsheyaasha amni iyo diyaargarowga farsamo ee la xiriira qabsoomidda doorashooyinka, iyadoo kula talisay rakaabka iyo hawl-wadeennada duulista in ay si habboon u qorsheystaan safarradooda, isla markaana aysan jadwal u samayn duulimaadyo inta uu xirnaanayo garoonku.
SCAA ayaa sidoo kale xaqiijisay in garoonka Aadan Cadde uu dib u bilaabi doono shaqadiisa caadiga ah marka la qaado xayiraadaha ku-meel-gaarka ah ee la xiriira doorashada.
Ugu dambeyn, Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed waxay ku boorrisay rakaabka iyo dhammaan daneeyayaasha in ay la socdaan wararka rasmiga ah ee kasoo baxaya hay’adda, si ay u helaan wixii tilmaamo dheeri ah.




