Ciidamada dowladda Soomaaliya oo Howlgal Ka Fuliyey Gobolka Shabeellaha Hoose

0

AFGOOYE – Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Sirdoonka Qaranka iyo dadka deegaanka, ayaa fuliyay howlgal qorsheysan oo lagu naafeynayey Al-Shabaab ka fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose.

 

Howlgalkan oo uu hoggaaminayey Taliyaha Qaybta Koowaad ee Kumaandooska Gorgor, G/le dhexe Saahid Jaamac Faarax Jareere, ayaa laga sameeyey deegaanada Galka Saalimoow, Diira-fuul, Qodqodka iyo Dooxa, iyadoo deegaanada uu howlgalka ka dhacay ay ciidamada Xoogga Dalka gaar ahaan Kumaandooska Gorgor si buuxda ula wareegeen.

Intii uu howlgalka socday, ciidamadu waxay wadooyinka ka saareen miinooyin ay Al-Shabaab ku damacsanaayeen iney ku waxyeelleeyaan shacabka, sidoo kale ciidamada ayaa burburiyey fariisimo ay Al-Shabaab dadka ku baadi jireen.

Howlgalkan ayaa qayb ka ahaa dadaallada dowladda ee lagu xaqiijinayo amni buuxa iyo la dagaallanka Al-Shabaab si shacabka iyo ganacsatada deegaanka ay u helaan nabad iyo xasilooni.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here