Muqdisho — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Wang Yu. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga amni iyo siyaasadeed ee labada dal, iyo sidii looga soo horjeedi lahaa faragelinta ay Isra’iil ku sameysay madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa Danjiraha la wadaagay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay difaaca danaha Qaranka, ilaalinta midnimada iyo wadajirka dhuleed ee dalka, iyo dadaallada lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada si loo xaqiijiyo amniga iyo nabadda guud.
Danjiraha Shiinaha, Mudane Wang Yu, ayaa caddeeyay in dowladdiisu si buuxda u taageersan tahay midnimada dhuleed ee Soomaaliya, isla markaana ay ixtiraam buuxa u hayso madax-bannaanida iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed. Wuxuu sidoo kale xusay in Shiinaha mar walba garab taagan yahay dowladda iyo shacabka Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyay Danjiraha Shiinaha garab istaagga ay dowladdiisu muujisay, gaar ahaan jawaabtii ay ka bixisay faragelintii Isra’iil iyo taageeradii ay ku muujisay kulankii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee lagu difaacayay midnimada, madax-bannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.




