Ciidamada Danab oo Dilay 20 Xubnood oo Al-Shabaab ah Hawlgal Ka Dhacay Buula Fulay

0

MUQDISHO — Ciidamada gaarka ah ee Danab ayaa xalay fuliyay hawlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Buula Fulay ee gobolka Baay, oo ka mid ah xarumaha muhiimka ah ee kooxda Al-Shabaab, halkaasoo lagu dilay 20 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab.

 

Hawlgalkan, oo dhacay habeenimadii Jimcaha, ayaa waxaa ka qayb qaatay laba diyaaradood oo dagaal ah, iyadoo ciidamada ay weerareen xeryo ay ku sugnaayeen hoggaamiyeyaal sare oo Al-Shabaab ah.

Ilo deegaanka ah ayaa xaqiijiyay in rasaas culus laga maqlayay hareeraha deegaanka inta uu hawlgalku socday. Inkastoo tirada saxda ah ee hogaamiyayaasha la beegsaday aan la shaacin, ugu yaraan 20 xubnood oo kooxda ka tirsan, oo ay ku jiraan hoggaamiyeyaal, ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay.

Ciidamada ayaa sidoo kale burburiyay idaacad ay Al-Shabaab ka adeegsan jirtay Buula Fulay, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay dowladda.

Dowladda ayaa hawlgalkan ku tilmaantay mid guul leh, waxayna ballan qaaday in faahfaahin dheeraad ah la siin doono waqti dhow.

Dagaalka xoogan ayaa weli ka socda gobolka Koonfur-Galbeed, halkaas oo ciidamada Soomaaliya, iyagoo kaashanaya taageero caalami ah, ay dib uga qabsadeen dhawr deegaan oo hore ay Al-Shabaab gacanta ku haysay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here