Beledxaawo, Jubbaland — Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ee deegaanada Jubbaland, Cabdirashiid Janan, ayaa faray ciidamada ammaanka in ay dardar-geliyaan howlgallo amni oo baaxad leh, kuwaas oo lagu xaqiijinayo nabadgelyada guud ee degmada Beledxaawo iyo deegaannada ku xeeran.
Howlgalladan oo ah kuwo qorsheysan oo joogto ah, ayaa lagu beegsayaa ka hortagga falalka amni-darrada, la dagaallanka kooxaha dialka ka geysanya Gobollka Gedo, iyo sugidda badbaadada shacabka ku dhaqan degmada iyo nawaaxigeeda.
Taliyuhu waxa uu sheegay in ciidamada laga doonayo feejignaan sare, isla markaana ay si dhaw ula shaqeeyaan bulshada deegaanka, si loo helo xog amni oo lagu kalsoonaan karo loona xoojiyo wada-shaqeynta bulshada iyo hay’adaha amniga.
Sidoo kale, Cabdirashiid Janan ayaa ciidamada ku boorriyay in ay ilaaliyaan xuquuqda shacabka inta ay howlgalladu socdaan, ayna mudnaanta siiyaan nabadda, xasilloonida iyo ilaalinta sharciga.
Howlgalladan ayaa imaanaya xilli ay jireen walaacyo la xiriira xaaladda amniga ee Beledxaawo, taas oo keentay in hay’adaha ammaanku qaadaan tallaabooyin dheeraad ah si loo xoojiyo nabadgelyada guud.




