Bardheere, Gedo – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ayaa fuliyay howlgal amni oo si taxaddar leh loo qorsheeyay, kaas oo ka dhacay deegaanka Ceel-Cilaan, oo qiyaastii 30 kiiloomitir dhanka bari kaga beegan degmada Bardheere ee gobolka Gedo.
Howlgalkan oo ahaa mid si guul leh u hirgalay, ayaa ciidamada ku dileen shan (5) xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo muddooyinkii u dambeeyay dhibaatooyin joogto ah ku hayay shacabka rayidka ah ee ku nool deegaankaasi iyo nawaaxigiisa.
Intii uu howlgalka socday, Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sidoo kale gebi ahaanba burburiyay fariisimo iyo fadhiyo ay kooxda Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Ceel-Cilaan. Fariisimadaasi ayaa la sheegay in ay ahaayeen goobo ay kooxdu ka abaabuli jirtay falal amni-darro, isla markaana ay khatar ku ahaayeen isu-socodka iyo nolosha dadka deegaanka.




