Guddiga Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa lagu wadaa inuu saacadaha soo socda yeesho kulan degdeg ah oo heer wasiirro Arrimaha Dibadda ah, si looga doodo aqoonsiga Israa’iil ay siisay Somaliland iyo saameynta uu leeyahay.
Ilo diblomaasiyadeed ayaa sheegaya in kulanka diiradda lagu saari doono arrimaha la xiriira madaxbannaanida, midnimada dhuleed iyo xasilloonida Geeska Afrika, maadaama tallaabadan ay dhalisay falcelin siyaasadeed oo xooggan.
Midowga Afrika ayaa hore u muujiyay mowqif ku aaddan ilaalinta midnimada dhuleed ee dalalka xubnaha ka ah, waxaana laga filayaa in kulanka laga soo saaro war-murtiyeed ka turjumaya aragtida ururka ee xiriirka Israa’iil iyo Somaliland.
Kulankan ayaa imanaya xilli arrimaha gobolka ay marayaan xaalad xasaasi ah, iyadoo dalal badan oo xubno ka ah Midowga Afrika ay muujiyeen walaac ku saabsan saameynta siyaasadeed iyo amni ee ka dhalan karta tallaabadan.




