Addis Ababa, Itoobiya – Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika (AU), Maxamuud Cali Yuusuf, iyo Wasiiru-Dawlaha Arrimaha Dibadda ee Isu-tagga Imaaraadka Carabta (UAE), Sheekh Shakhboot bin Nahyan Al Nahyan, ayaa kulan muhiim ah ku yeeshay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, iyaga oo si qoto dheer uga wada hadlay arrimaha nabadda, amniga, iyo iskaashiga gobolka Geeska Afrika.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa xasilloonida gobolka, gaar ahaan dhinacyada amni-baddaha, xaaladaha amniga guud ee Geeska Afrika, iyo sidii loo ilaalin lahaa nabadda badda ee khuseysa dalalka dariska ah.
Intii uu socday wada-hadalka, labada madaxwayne waxay si cad u muujiyey taageeradooda ku aaddan madax-bannaanida, midnimada dhuleed, amniga, iyo xasilloonida Soomaaliya. Waxa ay si wadajir ah ugu adkeysteen muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalalka gobolka, iyagoo u arka in nabadgelyo waarta ay tahay udub dhexaad u ah horumar waara.
Guddoomiyaha Midowga Afrika iyo Wasiiru-Dawlaha UAE ayaa sidoo kale si kulul u cambaareeyey tallaabooyinka sharci-darrada ah ee ay qaadday dowladda Israa’iil, kuwaas oo ay ku tilmaameen kuwo khatar ku ah nabadda iyo xasilloonida gobolka iyo caalamkaba.
Kulankan ayaa wuxuu kaloo noqday fursad ay ku sheegeen sida badan waddamada caalamka iyo ururrada waaweyn ee caalamiga ah, oo Soomaaliya xubin ka tahay, ay u muujiyeen garab istaagooda midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Wada-hadalkani wuxuu ka tarjumayaa dedaal ballaaran oo lagu xoojinayo iskaashiga diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Midowga Afrika, dalalka gobolka, iyo saaxiibada caalamiga ah si loo gaaro nabad waarta, horumar, iyo amni sugan oo ka jira Geeska Afrika.




