Farmaajo oo tacsi u diray dadkii ku dhintay Banaanbixii ka dhacay degmada Dayniile

0

MUQDISHO – Tacsi tiiraanyo leh ayaan u dirayaa qoysaska ay ka geeriyoodeen muwaadiniinta ay ciidanka dowladdu maanta ku dileen degmada Dayniile, waxaanna Alle uga baryayaa caafimaad degdeg ah shacabka ay waxyeelladu ka soo gaartay falkaas.



Waa nasiib darro in Ciidanka Dowladda ee loo dhisay difaaca dalka iyo dadka, maanta loo adeegsado laynta iyo dhibaataynta shacab aan waxba galabsan, looga barakiciyo dhulkii ay muddada degenaayeen. Falkaas arxan darrada ah oo si cad uga hor imaanaya dastuurka dalka, xeerka iyo damiirka dowladnimada, ma aha mid la aqbali karo.

Waxaan ugu baaqayaa Madaxweynaha in uu degdeg u joojiyo barakicinta iyo dhibaataynta dadka biri-ma-geydada ah, una soo jeesto arrimaha adag ee horyaalla dowladnimada oo ay ugu horreeyaan adkeynta midnimada iyo difaaca wadajirka dalka, gurmadka dadkeenna la ildaran abaarta dabo-dheeraatay iyo qabsoomidda doorasho loo dhan yahay, taas oo wakhtigeeda la joogo.

May be an image of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here