DP World oo sheegtay in go’aanka dowladda Soomaaliya uusan saameyn doonin Hawlaha ay kawado dekedda Berbera 

0

ABU DHABI – Shirkadda DP World ee laga leeyahay Dubai ayaa sheegtay in hawlaheeda ka socda dekedda Berbera ee Somaliland ay sii socdaan si caadi ah, islamarkaana aanay saameyn ku yeelan khilaafka diblomaasiyadeed ee ka dhex qarxay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

 

DP World, oo ah shirkad caalami ah oo ka shaqeysa dekedaha iyo saadka, ayaa bayaan ay siisay Reuters ku sheegtay in ay weli ku shaqeyneyso heshiisyadii horey u jiray, ayna diiradda saareyso badbaadada, hufnaanta iyo horumarinta ganacsiga dekedda.

Hadalkan ayaa imanaya maalin kaddib markii dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku dhawaaqday in ay baabi’isay dhammaan heshiisyadii ay la lahayd Imaaraadka Carabta, oo ay ku jiraan kuwa la xiriira dekedaha, difaaca iyo iskaashiga amniga, iyadoo ku eedeysay Imaaraadka inuu ku xadgudbay madax-bannaanida qaranka Soomaaliya.

Go’aanka Muqdisho ayaa daba socday baaritaan ay dowladdu billowday toddobaadkii hore, kaddib markii isbahaysi uu hoggaaminayo Sacuudiga oo ka dagaallamaya Yemen uu sheegay in Imaaraadku si qarsoodi ah uga daadgureeyay hoggaamiye gooni-u-goosad ah Yemen, isagoo sii maray Soomaaliya. Arrintan ayaa kusoo beegantay xilli ay sii kordhayaan xiisadaha u dhexeeya Sacuudiga iyo Imaaraadka, oo ah laba dal oo awood weyn ku leh suuqyada tamarta caalamka.

“DP World waxay sii wadaysaa diiradda ay saarayaan hawlgal ammaan ah oo hufan, iyadoo ka shaqeyneysa fududeynta ganacsiga iyo keenista faa’iidooyin dhaqaale oo u adeegaya Somaliland iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika,” ayaa lagu yiri bayaanka shirkadda, iyadoo intaa ku dartay in su’aalaha ku saabsan “go’aannada siyaasadeed, wadahadallada dowladaha ama mowqifyada diblomaasiyadeed” loo weeciyo hay’adaha ay khusayso.

Imaaraadka Carabta ayaa sannadihii u dambeeyay xoojiyay xiriir dhaqaale iyo mid amni oo uu la leeyahay Somaliland. Tiirka ugu weyn ee xiriirkaas ayaa ah maalgelin dhan $442 milyan oo doolar oo ay DP World ku horumarinayso kuna maamulayso dekedda Berbera.

Bishii hore, Israa’iil ayaa si rasmi ah u aqoonsatay Somaliland, taasoo ahayd tallaabo diblomaasiyadeed oo la sheegay in Imaaraadka Carabta uu door muhiim ah ka qaatay fududeynteeda, sida uu qoray warbixin ay daabacday jariirada Agsiyoos oo soo xiganeysa saraakiil Israa’iili ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here